Warbaahinta dalka Kenya ayaa saakayto qoray inay Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab saqdii dhexe ee xalay weerar qorsheysan ku qaadeen Deegaanka Dabacity ee ka tirsan Ceel-waaq Kenya, isla markaana ay burburiyeen Taawerka Ateenadda ee Shirkadda Safaricom.
Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisia ayaa sheegay inuu weerarkaasi dhacay qiyaastii 1:45 daqiiqo ee Saqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay Dagaalamaayasha Alshabaab u itaal sheegteen Askar ilaalo ka haysay Tawarkaasi oo uu tiradooda ku sheegay 5 Askari.
Waxa uu intaasi ku daray inay Askarta isku tijaabiyeen inay iska waabiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, balse hubka ay Alshabaab oo heer sare ahaa sababtay inay Askarta cagahooda ku baxsadaan.
Mar wax laga weydiiyey in weerarkii xalay xiriir la leeyahay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qabsadeen Degmadda Ceel-waaq Somalia waxa uu sheegay inaysan wax xiriir ah lahayn Labadaasi Duullaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Weerarkii xalay ka dhacay Deegaanka Dabacity ee Gobalka Mandera ayaa ah kii afaraad oo ay Alshabaab wax ka yar hal bil ka fuliyaan Deegaankaasi.
©Radio Dalsan