Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa ka hadlay waxyaabaha soo celceliya khilaafaadka mar walba ka dhex dhaca Madaxda dowlada Somaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Waxa uu sheegay madaxweyne Faramajo,in taasi ay sabab u tahay tanaasul la’aan ka dhexjirta madaxda dhexdeeda,waxa uuna ugu baaqay in la sameeyo tanaasul si ay soo laabtaan Ganacsigii iyo adeegyada Bulshada.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa waxa uu ugu baaqay madaxda Maamulada Galmudug iyo puntland in ay sameeyaan dib u heshiisiin dahb ah si looga gudbo dhibaatooyin dhaliyay in ay wada dagaalamaan islamarkaana dowlada ay dadaal ku bixin doonto.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay munaasabadii Caleemo-Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf)
Hoos Ka Dhageyso Codka