Ciidamada Maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka nugaal,waxana howlgalkaas uu ahaa mid uu horay u iclaamiyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar(Cameey)
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Muxyaddiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ragaas watay kana Ganacsanayay waxyaabaha Maanka Dooriya ay u gudbiyeen Maxkamada Puntland islamarkaan ay rajeynayan in Xukun lagu rido.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamada Puntland ay howlgalka siiwadi doonaan kaas oo ay kula dagaalamaayaan Kooxaha ka Ganacsada waxyaabaha maanka Dooriya kuwas oo qeyb ka ah amnidarada ka jirta Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka