Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay dagaalo ku dhexmarayeen nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan Gobolkaan Banaadir.
Dagaaladaas waxaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaartay dad Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay intaba,waxana soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo Madaxda dowladda Soomaaliya.
Iimaan Cabdullaahi Khaliif  Rooble oo ka mid ah waxgaraka Muqdisho ayaa sheegay in ay nasiibdaro tahay in Muqdisho ay ku wada dagaalamaan Ciidamada dowladda ayna tahay mid masuuliyad daro ku ah Madaxda dowaladda.
Waxa uu sheegay in Shacabka dhexdooda marwalba lagu dul dagaalamo isla markaana weli aan la arkin qof ama Sarkaal loo Maxkamadeynyo in uu ku lug leeyahay dagaaladaas.
Dhammaan arrintaan ayaa waxa uu masuuliyadeeda dusha ka saaray madaxda dalka oo uu sheegay ina aysan waxba ka qaban maadaam ay yihiin kuwo soo laab laabtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Iimaan Cabdullaahi Khaliif Rooble.