Dhageyso:-Laba Dhalinyaro ah oo lagu dilay deegaan ka tirsan G/Hiiraan

Guddoomiyaha degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Daahri Guure ayaa sheegay in labadaasi dhalinyaradaas ay ahaayeen dad reer miyi ah balse markii ay yimaadeen degmada Buulo Burde dibna ugu laabteen la dilay.

Waxa uu sheegay in labadaasi dhalinyarada ah la gowracag si ay Al-Shabaab dadka Shacabka ah u cabsi gelinayaan.

Sababta atuu ku sheegay in ay tahay in dhalinyaradas ay Al-Shabaab ku eedeyeen in ay doonayeen kuwo qoran rabay Ciidamada dowladda Soomaaliya sidaasina loogu gowrcay deegaanka Wiilo-wad oo 15 Km dhinaca Bari ka jirta Buulo-Burde.

Guddoomiyaha Buulo burdo oo la hadlayey Idaacada Voa ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ciidamada xoogga dalka ay jawaab ka bixin doonaan dilkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Degmada Buulo-Burde.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media