Dhageyso:-Wasiir ka tirsan Soomaaliland oo gaarey Buuhoodle & Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tegay

Magalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer waxaa Galabta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Soomaaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay wateen Gaadiid nooca dagaalka ah oo aad u waaweyn,kuwaas oo lagu dhex arkay gudaha Magalada Buuhoodle.

Waxka ayar 24 Saacadood ayaa Buuhoodle waxaa ka amqan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin xaaji Cumar Camey oo mudo dhowr cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle.

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Maamulka Soomaaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi, oo boqolaal ruux kula hadlay Buuhoodle ayaa sheegay ayaa Shacabka buuhoodle ugu baaqay in aan loogu sacba tumin colaad,isla markaan ay ku fara adeegaan nabadgelyada ay heestaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliland aysan xilligaan diyaar u aheyn in ay dagaal ka abuurtay Buuhoodle,balse Puntland oo waqtigeeda dhamaaday ay taasi bilaabeyso sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka Magalada Buuhoodle ayaa siweyn oo taageero leh waxa ay u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyaga oo u sheegay in dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland ay ka qeyb qaadan doonaan halka markale ay soo dhaweeyeen silmaid ah Wasiirka Howlah Guud ee Maamulka Soomaaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Rashiid Ducaale Qambi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media