Madaxweyne Gaas oo shirka Baydhabo ku soo bandhigay sida lagu sugi karo Amniga dalka

Madaxweynaha Maamulka  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Baydhabo uga qeyb galaya shirka Amniga Qaranka ayaa khudbad dheer uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga hadlay in muhiim ay tahay in dib loo dhiso ciidamadii Qaranka Soomaliyeed uu lahaa.

Waxa uu khubadiisa ku sheegay Madaxweyne Gaas,in dhisida Ciidamada Qaranka soomaaliya ay sahli karto in dalkaan soomaliya uu noqdo mid amni ah.

“Haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha kala duwan ee dawligga ah iyo dib u dhis lagu sameeyo Ciidamada Qaranka soomaaliya ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Madaxda dalka ayuu ugu baaqay in ay wajahaan ama ay ka dhabeeyaan hadalkii ahaa in muhiimada koowaad ay siinayaan dhisida Ciidamada,iyaga oo dadaal kooda oo dhan iskugu gaynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad si shacabka soomaaliyeed kalsooni buuxda u helaan.

Sikastaba Xubnaha kale ee dowlad goboleedyada iyo Madaxda dalka ayaa iyana khudbado kala duwan halkaasi ka jeediyey kuwaas oo inta badan diirada saarayey xaalada amni ee dalka iyo qaabkii loo mari karo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media