Hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen, kadib qarax ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxana la dhigay Goob maqaaxi ah oo ku taalla Barkoontorool oo duleedka Magalada Baydhabo,waxana ku dhintay haweeney halka afar ruux ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan kuwa maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dadka dhaawaca ka soo gaaray qaraxaas ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo,waxana Agaasime kuxigeenka Isbitaalka Baydhabo Axmed Ibraahim Cirro,uu sheegay in Afarta ruux ee dhaawaca ah laba ka mid ah ay aad u culus yihiin,isla markaana ay xaaladooda la tacaalayaan.
Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ka wada Xaafada Wadajir ee Magalada Baydhabo uu uu qaraxa ka dhacay,ilaa iyo hadda majirto cid loo qabtay qaraxaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasime kuxigeenka Isbitaalka M/Baydhabo.