Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan booliiska Hirshabelle kuwaas oo in mudda ah uu u socda carbis ku aaddan sidii ay ugu biiri lahaayeen kuwii hore loo diyaariyay.
Ciidamada maanta tababarka loogu soo xiray magaalada Jowhar ayaa ah dufcaddii Labaad ciidamo booliis ah oo loo diyaarinayo in ay sugaan ammaanka deegaanada maamulka Hirshabelle.
Dowladda iyo dowlado kale ayaa Hirshabelle ka gacansiiya arrimaha la xiriira dhismaha ciidamada Booliiska iyo kuwa Daraawiishta oo qorshuhu yahay in lagu wareejiyo ammaanka deegaanada laga saaro Alshabaab.