Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Is-miidaamin ah oo maqribnimadii Caawa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel ku dhow albaabka laga galo xerada Xalane oo ay degan yihiin hay’addaha Reergalbeedka iyo Ajaanib kale.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku sugnaayeen, taas oo ku taalla albaabka laga galo Xalane, waxaana Cirka isku shareeray uuro madow.
Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar iyo dad shacab ah, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 11 qof.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad badan, kuwaasi oo si deg deg loogula cararay Xarumo Caafimaad, si xaaladdooda loogu dabiibo, iyadoona gebi ahaan goobta qaraxa ay isku gadaameen Ciidamo badan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee maqribnimadii Caawa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoyska dadkii ku geeriyooday qaraxa, halka kuwii dhaawacmay uu Alle Caafimaad u weydiiyay, wuuxuna yiri “Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsanâ€.
Ugu dambeyn Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida argagixisada Alshabaab ay ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisadaâ€.