Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in arrintii ku aadaneyd in uu khilaaf ka dhex jiro Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ay aheyd mid ben abuur ah.
Nuuradiin Gacma oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar oo ka hadlay Warbaahinta ay sheegen in ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Shariif balse markii dambe ay ku fshilmeen.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu shegay in hadda uusan jirin wax mooshin ah oo lag gudbiyay Shariif Xasan isla markaana kuwii horay u kenay ay dib uga laabteen.
Hadalka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya xili Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaarkood ay sheegen in ay xilka ka qaadayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka