Madasha Xisbiyada oo beenisay War lagu faafiyay Baraha Bulshada

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay Qoraal lagu sheegay inuu kasoo baxay Xafiiska Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana Ooraalka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xilka qaadistii lagu sameeyay Xasan Cali Kheyre.

Madasha Xisbiyada ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ayaa beenisay Qoraalka lagu faafiyay baraha Bulshada, waxaana ay caddeysay in Qoraalkaas uusan kasoo bixin Madasha uuna been abuur yahay.

Qoraalka la faafiyay ayaa waxaa uu ahaa mid loo hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sida xilka u qabtay uu ka shaqeynayay sidii uu kursiga kusii heysan lahaa, ugana baaqsan lahaa Doorashada oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay iyo ku tumashada Dastuurka dalka.

Waxaa kaloo Qoraalka la faafiyay qodobada qaarkood ku jiray kamid ahaa in Madasha ay xaqiijineyso markii la gaaro 9-ka bisha Feberayo 2021 in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan aheyn Madaxweyne uuna xilkiisu ku egyahay 8-ka December 2021.

Hayeeshee Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa lagu caddeeyay in Qoraalka la faafiyay uu yahay been “Madasha Xisbiyada Qaran waxay dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa in aysan xafiiskeeda kasoo bixin shuqulna aysan ku lahayn warqadda hoos ku xusan taas Loo faafiyey si been abuur ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media