Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka oo laga mamnuucay qaar ka mid ah Mobaylada lagu farsameeyo dalka Shiinaha

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Gaashaanle Dave Eastburn ayaa sheegay in lagu amray Ciiddamada ku sugan Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka inaysan iibsanin Mobayladda, gaar ahaan noocyadda ay farsameeyaan Shirkadaha  Huawei iyo ZTE phones.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Mobayladaasi khatar ku yihiin Ammaanka Waaxda Difaaca Maraykanka, isla markaana aan lagu isticmaali Karin Bakhaaradda Hubka ee ku dhex yaalla Saldhigyadda Milliteriga Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan sababo dhinaca Ammaanka u faahfaahin Karin khatarta aan la oggolaan Karin ee Mobayladaasi.

Go’aankan ka soo baxay Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa ah dharbaaxadii ugu dambeysay ee lagula kaco Shirkadaha Huawei iyo ZTE oo iyagu Mobaylada iyo Qalabka Isgaarsiinta ku iibiya guud ahaan Dalalka Caalamka.

Ilaa 3,400 Mobaylada Huawei iyo ZIT ayaa la sheegay in sannadkii hore laga iibiyey Saldhigyada Milliteriga Maraykanka.

Dhinaca kale, Shirkadda  Huawei ayaa soo saartay War-saxaafadeed oo ay ku sheegtay inay wax-soo-saarkooda  yihiin kuweo heer sare, isla markaana loo iib geeyo 170 Waddan oo ay Maraykanka ku jirto.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay inay si hufan u sameeyaan Qalabkooda, isla markaana aysan Dowladad Shiinaha waax xeer jajab ah kula gelin Farsamaynta Mobayladdaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media