Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay xaalada guud ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo arrimo ku aadan Doorashada maamulkaasi.
Cali Gacal Casir ayaa waxaa uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug garabka Cadaado ay isku raaceen in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto waqtigii looga tala galay laguna heshiiyay ee ahaa 4-ta Bisha July ee 2019.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku sugan Magaalada Muqdish,isla markaana xalay Shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu eedeeyno kala duwan u jeediyay maamulka Puntland iyo qaar kamid ah Xisbiyada dalka,isagoona labada dhinac ku eedeeyay in Arrimaha siyaasada Galmudug ay ku hayaan faragelin.
Isaga oo sii hadlaayay Cali Gacal Casir ayuu tilmaamay in Xildhibaanada Galmudug ay taageeran yihiin Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo lagu soo saaray Habraaca Doorashooyinka dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Madaxda ugu sarreysa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa haatan waxaa ka dhexjira Khilaaf in muddo ah saameeyn weyn ku yeeshay howlaha Galmudug,iyagoona kala degan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.