Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka tirsan Gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus,isla markaana xusay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwo Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hayeeshee intaasi kadib ayaa waxaa deegaanka Bilis Qooqaani ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,kaasi oo lagu soo waramayo in uu ka dhashay Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland eek u sugan Gobolka Jubbada Hoose oo aanu xiriiro kala duwan la sameeyay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay bixiyaan dagaalkaas.

Xaaladda guud ee deegaanka Bilis Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ayaa haatan degan,mana jiro wax dagaal ah oo socda,hayeeshee Ciidamada Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyo Ciidan waxaa ay ka wadan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-shabaab xili uu ku sugnaa deegaanka Baar-Sanguuni.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media