Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay maanta soo badbaadiyeen ku-dhawaad 400 oo Tahriibayaal ah oo ay la qalibantay dooni maarayey Badweynta Mediterreanka oo u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga.
Kooxaha Gurmadka waxay kaloo sheegeen inay qeybta hoose ee doonidaasi ka heleen maydadka 4 qof oo la sheegay inay caburmeen.
Mid ka mid ah Tahriibayaasha ayaa la sheegay in la daaweynayo, kadib, markii la helay isagoo ay xaalladiisa aad u liidato
Dhinaca kale, Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay maanta soo badbaadiyeen ku-dhawaad 500 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la socday 3 doon oo dul sabaynayey meel 32 KM ka baxsan Xeebaha Libya.