Ku-dhawaad 30 Saxafi oo ka kala socday qaar ka mid Warbaahinadda Idaacadaha, Telefishinadda iyo Websaytyadda ayaa maanta Tababar loogu soo xiray Hoteelka City Plaace ee magaalladda Muqdisho.
Tababarkaasi waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SIMHA oo gacan ka heshay Hay’adda Caalamiga ee Taageeradda siisa Suxufiyiinta ee (The International Media Support (IMS/FOJA)
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” ayaa soo xiray Tababarkaasi loo qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaar ka mid ah Warbaahinadda ka hawlgala magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Dalka.
Md. C/risaaq Bahlaawi waxa uu Suxufiyiinta kula dardaaramay inay Taxadar dheeraad muujiyaan si ay uga badbaadaan Khataraha ay la kulmi karaan Suxufiyiinta.
Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, Xasan Cali Geesey ayaa isaganaka hadlay Xiritaanka Tababarkaasi, wuxuuna sheegay in Seminaarkaasi qeyb ka yahay Wacyi-gelinta iyo Sare u qaadista Aqoonta Suxufiyiinta ee ay kaga badbaadi karaan Khataraha ay had iyo jeer la kulmaan Suxufiyiinta.
Dhinaca kale, Wakiilka Hay’adda Caalamiga ee Taageeradda siisa Suxuxfiyiinta (IMS FOJA) Abuukar Al-badri ayaa isagana ka hadlay Ujeedada Seminaarka Suxufiyiinta, wuxuuna tilmaamay inay Hay’adda IMS FOJA tababaro u fidiyaan Suxufiyiinta ka hawl-gala gudaha Somalia.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay sida ay Suxufiyiinta isugu fidin lahaayeen Gurmadka iyo sida Suxufiga wax noqda loogu fidin karo Gargaarka Degdegga.
Si kastaba ha ahaatee, Weriyayaasha maanta loo soo xiray Tababarkaasi, waxay barteen sidii ay isaga ilaalin lahaa Khataraha iyo sida ay Gawaaridooda uga baari karaan waxyaabaha qarxa iyo sida loogu gurman karo Saxafi ay waxyeello soo gaartay.
©Radio Dalsan