Shirka Baarlamaanada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ee shalay Magaalada Garoowe ka furmay ayaa waxaa ka qeybgalin Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, kadib markii uu wax casuumad ah ka helin dhigiisa Puntland oo isagu shirkan martaglinayo.
Cali Gacal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu soo wargaliyay maamulkooda in aysan tagi karin shirka Garoowe,,isla markaana casuumadii looga reebay.
Gudoomiye Gacal ayaa sheegay inuusan hadalkaasi meesha uga harin,isla markaana uu isku taxaluujiyay si uu u ogaado sababta shirka looga reebay iyo halka ay xogta ka timid,isagoo sheegay inuu ogaaday in amarka casuumada looga reebay uu ka soo baxay Masuuliyiinta Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug ee laga xanibay shirka Garoowe Cali Gacal Casir ayaa sheegay inaysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda kulankaasi, isagoo tilmaamay inuu shirkaasi u arko khilaaf cusub oo laga dhex abuurayo Hay’adaha sharci dajinta dowlada Goboleedyada.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.