Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland ee halkaasi ku sugnaa ay ka sameeyeen gadood.
Sababta Ciidamada Somaliland ay Gadoodka u sameeyeen ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii ay dalbadeen in ay ka iska difaacaan weeraro maamulkooda ay soo qaaday Jabhad lagu magacaabo SSC,hayeeshee ay ka hor-yimideen Jawaabtii ay bixin lahaayeen Taliyeyaashooda.
Shalay subax waabarigii hore ayey Ciidamada isaga baxeen Fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Tukaraq,isla markaana waxaa la sheegay inay doonayeen in Jawaab cad ka bixinyaan dagaal habeen kahor ay kusoo qaadeen Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug,kaasi oo weli la shaaciyay khasaaraha uu geystay.
Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka gadoodka sameeyay ayaa tilmaamay in hadii ay weerarkaas Jawaab ka bixiyaan ay dhalan karto xiisad sababta dagaal beeleedyo.
Wararkii ugu dambeeyay saakay aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool gaar ahaan goobihii shalay ay baneeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaa , dib loogu soo celiyay xalay halkaasi Ciidankii kabaxay.