Wasiirada Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee DFS, Drs. Fowzia Abiikar Nuur waxay si diiran u soo dhaweysay Barnaamijka Dowladda Britain sare loogu qaadayo Caafimaadka iyo Nafaqeynta Somalia ee SHINE.
Wasiir Fawzia oo ka hadashay Barnaamij ay Safaaradda Britain ee magaalladda Muqdisho ku daah-furtay Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ayaa waxay sheegtay inay dareemayso Ka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ee DFS Lahaanshaha Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ee loo soo gaabiyo SHINE.
Waxay intaasi ku dartay inay Dowladda Britain, Waaxda Horumarinta Caalamiga UK (DFID) iyo Mott Macdonald ay hubaal ka dhigeen Xuquuqda Lahaanshaha Dowladda ee Barnaamijkaasi iyo ka-qeyb-qaadashadda iyo hubinta inay DFS tahay midda hoggaaminaysa qorsheynta iyo xaqiijinta Barnaamijkaasi.
“Waxaan ugu baaqayaa qeybaha kale ee aan wada-shaqeynta leenahay inay soo raacaan Dhabahaasi oo kale iyo inay cashar ka bartaan sida ugu wanaagsan ee wada-shaqeynta Dowladda, Milkiyadda iyo doorka Hoggaamineed ee Horumarinta Ajendaha” ayey tiri Wasiir Fawzia Abiikar Nuur.
Waxay kaloo hoots ka xariiqday sida ay ugu qanacsan yihiin Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta (SHINE) iyo Dowladda Britain oo ay ku tilmaamtay dal hormuud u ah Taageeridda qeybta Caafimaadka ee Somalia.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Britain ee Somalia, Mary Shockledge waxay sheegtay in Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta Somalia muhiim u tahay maalgelinta Dowladda UK ee qeybta Caafimaadka ee Somalia.
Waxay intaasi ku dartay Dowladda UK ka go’an tahay iyo inay DFS si xooggan ugala shaqeeyaan hagaajinta Caafimaadka dadka Soomaaliyeed.
Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Britain ee Somalia, Mary Shockledge waxay kaloo sheegtay inay taageero ka geysan doonaan taageeradda Adeegyadda lama huranaka ee Naf-badbaadinta, si ay u gaaraan Haweenka, Carruurta iyo dadka aadka u nugul ee Mujtamaca.