Kulan ay Maanta Muqdisho ku yeesheen Muqdisho Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka soo saareen baaq cabasho ah oo ku aadan in Isbaarooyin horleh la soo dhigay degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Kulanka kadib mid ka mid ah Gaadiidleyda kulmay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Isbraooyin la soo dhogay inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne ilaa Muqdisho.
Waxa uu shegay in Isbaarooyinkaas oo ay dhigteen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse aan u gudbinay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle oo deegaanadaas maamula balse aan waxba ka qaban.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii lacagta lag doonayo ay bixin waayaan ciidamadaas ay ku amrayan in ay Gaadiidka dhigaan taasna ay dhibaayo ku tahay.
Ugu dambeyn Waxa uu ku baaqay in arrintaas wax laga qabto,maadaama Shaqadooda ay hakad geleyso.
Hoos Ka Dhageyso Codka Mid ka mid ah Gaadiidleyda.