Hawlgalka Ciiddanka AMISOM ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay Xaallad Adag, kadib, markii ay la soo gudboonaatay culaysyo dhanka Kaalmadii Dhaqaale, Loojistik iyo Qalab ee ay Beesha Caalamka bixin jireen.
Haatan, oo Masiirka Hawlgalka AMISOM u muuqdo mid Geedi ka sii ah Somalia ayaa waxaa socda Dhaqdhaqaaqyo Diplomaasiyadeed oo lagu doonayo inay qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ballan qaadan inay AMISOM ka taageeri doonaan dhinaca Dhaqaalaha.
Dowlado badan oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, UK iyo dalalka Midowga Europe ee EU ayaa horey u kaabi jirey Miisaaniyadda Hawlgalka AMISOM, waxaana hoos-u-dhac ku yimid Taageeradaasi.
Midowga Europe waxay horey AMISOM sannadkiiba siin jireen Kaalmo Dhaqaale oo dhamayd 200-million oo Dollar sannadkiiba, balse waxay haatan Dhaqaalahaasi ku soo koobeen 100 million oo Dollar sannadkiiba.
Dhaqaale-dhimistiisa ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelatay Hawlgalkii AMISOM, gaar ahaan Musshaaraadkii Ciiddanka AMISOM.
Midowga Europe waxay AMISOM siiyeen lacag dhan 1.68 Billion oo Dollar, taasi oo ay ku jirto 189.5 million oo Dollar oo la kharaj gareeyey bilihii April ilaa December ee sannadkan 2017-ka.
Markii ay Dowladaha Midowga Europe (EU) dhimeen Kharajkii AMISOM, Â waxay ka codsadeen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (Peace and Security Council ) inay raadiyaan dalal kale oo firfircoon oo damaanad qaadi kara inay wax ka bixiyaan Qaaraanka Lacageed ee lagu socodsiiyo Hawlgalka AMISOM.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika (PSC) waxay haatan dadaal ugu jiraan sidii Dowladaha Khaliijka ee hodanka ah ugu qancin lahaayeen inay wax ka bixiyaan Qaaraanka AMISOM.
Dowladda Imaaraadka ayaana safka hore kaga jirta dalalka laga filayo inay Dhaqaale ku kabaan Miisaaniyadda Hawlgalka AMISOM.
Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka u dhexeeya  Dowladaha Khaliijka ayaa laga cabsi qabaa inuu saamayn ku yeesho dadaalka Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika ku baadi-goobayaan Dhaqaalaha Hawlgalka AMISOM.
Xigasho:Â http://www.theeastafrican.co.ke