Xiisadaan u dhaxeysa Ciidmada Maamulka soomaalilnd iyo kuwa Puntland ayaa Maanta ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Xiisadaan ayaa salka ku heyso arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliland kadib markii Sooamaliland ay qorsheysay in qeybo ka mid ah gobolkaas la geeyo Sanaadiiqda doorashooyinka.
Dadka ku nool Gobolka Sanaag qaarkood oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in haatanh ay csbi soo wajahday,maadaam labada dhinc ay Ciidamo keneen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Saddexd musharax ee u tartami doona doorashada Soomaaliland oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegen in Puntland ay faragelin ku heyso isla markaana ay uga digeen dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay wadaan.
Dhanka kale Wasiirka Amniga ee  Puntland Cabdullaahi Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan  degmada Baran ee gobalka Sanaag waxa uuna sheegay  in ay dawladda Puntland qaadanayso doorkeeda sugida Amniga, wuxuuna sheegay in Baran iyo deegaanada kale ee Puntland-ba aysan ka dhici doonin wax doorasho Soomaaliland ah.