Laba todobaad Gudahood ayaa waxaa qaraxyo ismiidaamin ah  lagu weeraray laba Xarumood oo ka mid ah kuwa Maamulka Gobolka Banaadir oo kala ah Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag,waxana sababaha weeraradaas ka hadlay duqa Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in sababaha loo weerarayo Xarumaha gobolka Banaadir ay tahay in la diidan yahay dedejinta howlaha Maamulka,islla markaana la diidan yahay horumarka.
Waxa uu sheegay in cadawga kaliya ee waqtigaan uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga soo wada horjeestaan.
“Runtii maalmahaan waxaa la beegsanayey Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababtuna waxa ay tahay waxan bilaawnay howlaha dedejinta Maamulka,waxana ku lug leh Al-Shabaab oo diidan horumarka ayuu yiri duqa Muqdisho.
Hadalka guddoomiye Yariisow ayaa ku soo aadaya xilli Maanta inta badan aad loo adkeeyey Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababo la xiriiro dhinaca Amniga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.