Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaas oo kulankooda uga hadlay inay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir.
Xildhibaanada shiray oo tiro ahaan lagu sheegay 89 ayaa waxa ay mooshinka ay ka wadaan guddoomiye Cali Gacal Casir waxa ay u gudbiyeen ku xigeenkiisa koowaad Xareed Cali Xareed,waxana lagu soo waramayaa in uu aqbalay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug laga doodi doonaa,isla markaana la horgeyn doonaa Baarlamaanka Maalinta berrito ah sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada ku shiray dhuusamareeb ay yihiin kuwo aan sharciyad ku imaan,isla markaana ah kuwii Baarlamaanka lagu soo daray kadib heshiiskii Jabuuti.
Si kastaba mooshinka laga gudbiyey Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa yimid kadib markii uu sicad uga soo horjeestay go’aankii ka soo baxay shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada kaas oo ay ku hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.