12 bishii dhamaatay ee Agoosto xili habeen ah ayuu Wasiirka 1,aad ee Xukuumada dalka Mudane Xasan Cali Kheyre hadal uu ka jeediyay  Munaasabad lagu weyneynayy  Maalinta dhalinyarada Aduunka waxa uu ku amray maamulka gobolka banaadir in ay shaqaaleysiiyaan kun dhalinyaro ah oo ka mi ah kuwa ku nool Magaalada muqdisho.
Maamulka gobolka oo fulinaya amarkii xukuumada dalka ayaa 5 bishan Septembar soo bandhigay Shuruudsaha laga rabo Shaqa-doonka oo ka imaanaya dagmooyinka iyada oo dagma walba uu maamulku siiye 58 dhalinyaro ah in ay uga mid noqdaa kunka dhalinyaro ee la Shaqaaleysiin doono.
9 ka bishan ayaana 17 degmo ee Gobolka Banaadir ay si toos ah kaga bilaawdeen buuxinta foomam loogu tala galay dhalinta Shaqa-doonka ah, kuwaas oo isdiiwaangelinaya.
Si aan u helno macluumaad dheeri ah ayaa radio dalsan waxa uu wax ka weeydiiyay r ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha dagmada kaxda Maxamed ismaaciil waxa uuna yiri.
“Dalsan waad mahadsan tihiin barnaamijkaas sida aad u maqasheen ayay degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan iyo degmada kaxda uga bilaawdeen insha Allaahu Araaji qabashadii ayaana socota waliba si siman ayay u socotaa waxa ayna ku egtahay ilaa 10 Bishaan ayuu yiri gudoomiyaha.â€
Sidoo kale Godoomiyaha dagmada Boondheere Seynab Yuusuf oo ka mid eheyd gudoomiyaashii aan la hadalnay  aya noo sheegtay in ay socoto qabashada araajida waxa ayna gabdhaha ugu baaqday in ay aad uga faa’iideystaan fursadaan
“Waxaan raba inaan uga faa’iidesto fursadaan dhalinayarada Gabdhaha iyo raga waxaa la yiri min 25 iyo 25 in ay uga faa’iideestaan marka waxaan leeyahay Gabdhaha waa in ay ka faa’iidestaan fursadan uu siiyay Maamulka gobolka Banaadir ayay tiri Seynab Yuusuf Gudoomiyaha degmada Boondheereâ€
Cabdifitaax Xaaji Nuur gudoomiyaha dagmada Kaaraan ee gobolka banaadir ayaa radio dalsan u sheegay in ay maalin walba qabtaan howsha ah qabashada araajida dhalinyarada dagmada uu masuulka ka yahay.
“Waad mahadsan tahay C/Naasir iyo Radio Dalsan runtii Degmada Kaaraan wuu ka socdaa mashruuca Shaqa abuurka uu maamulka Gobolka Banaadir siiyay dhalinyarada waxa uuna bilaawday 9,kii bishaan waxa uuna ku egyahay 19 bishan, qofka codsanaya waxa uu keensanayaa Shahaado Dugsi Sare ama Jaamacad majirto wax lcag ah oo la weeydiinayo ayuu isan hadalkiisa ku soo kaabay gudoomiyahaâ€
Maamulka gobolka banaadir oo uu gudoomiyaha ka yahay Thaabit Cabdi Maxamed  ayaa wado dadaalo lagu fulinayo amarka ra’iisul wasaaraha dalka ee ahaa in la shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro
Waxana ay ka mid noqon doonaan dhalin yaradaas shaqaalaha maamulka gobolka heer gobol iyo heer dagmo intaba
Hoos ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Naasir Socdaal isaga ayaana soo jeedin doona