Tan iyo markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kaal wareegeen Magalada Marka ayaa dadka Shacabka waxa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho soo gaaray dad ka soo barakacay Magalada Marka kuwaas oo qaarkood la soo xiriirey Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho.
Mid ka mid ah dadka soo barakacay ayaa u sheegay Dalsan inay ku sugan yihiin Xero barakac oo ku taalla degmada Kaxda,iyaga oo gaaraya 268 ruux,isla markaana aysan heysan daryeelkii ay u baahnaayeen.
Waxa uu sheegay in xiisada colaadeed ee ka taagan magalada Marka ay ka soo barakaceen,isla markaana ay haatan u baahan yihiin gurmad deg deg ah.
Hoos ka Dhageyso Mid ka mid ah dadka Barakacayaasha ah.