Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta ka dhacaya Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka,Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lagu Casuumay Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale,kuwaasi oo dhammaantood ku sugan Magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiinta ayaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana inta badan  la xiray Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta  ay ka dhaceyso Xaflada,waxaana halkaas lagu wadaa in Maanta ay gaaran Wafdi ka socda dowladda Kenya oo ka qeyb galaya Caleemo-saarka Axmed Madoobe).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media