Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo duqaymo hor leh ka gaystay gobolka Idlib

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa weeraro hor leh ka fuliyay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida ay sheegayaan kooxda la socodka xaaladda Suuriya.

Duqayntan ayaa la sheegay in lagu beegsaday deegannada ay mucaaradka ku xooggan yihiin ee ku yaalla koonfur galbeed dalkaasi, sida ay sheegayaan kooxda la socota xaaladda Suuriya oo uu fadhigeedu yahay Britain.

Turkiga iyo dalal kale ayaa ka digay in weeraradan ay horseedi karaan masiibo baani’aadanimo.

Kumannaan qof ayaa shalay dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka gobolkaasi markii salaaddii Jimacaha laga soo baxay.

Waxayna ka codsanayeen beesha caalamka inay soo farageliyaan howlgallada laga wada goobaha ay mucaaradka ku xooggaan yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor