Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay Itopia.

Madaxweynaha maamulka Puntlaand C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Safarka Gaas ayaa la sheegay in uu ku wajahanyahay wadanka Itopia halkaa oo uu kulamo ku yeelan doono masuuliyin ka tirsan doowladda Itopia.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in madaxweynaha maamulka Puntlaand C/weli  Maxamed Cali Gaaas kedib tegitaankiisa dalka Itopia uu u sii dhoofi doon Imaaraadka Carab ta.

Isaga oo suxufiyiinta kula hadlay garoonka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari markii uu ka amababaxayay ayuu sheegay in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay isku mari doonaan Iptoopia iyo Imaradka Carabta.

Waxaana uu sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta wadamada ay tagayaan kalana hadlayaan arimo khuseeya horumarka maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media