[DHAGEYSI ]:-Taliska Booliska Soomaaliya oo soosaaray amaro cusub oo lagu sugayo amaanka Muqdisho.

Taliyaha qeybta Booliska gobalka Banaadir Korneyl Bishaar Abshir Geedi oo weriyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyariyeen qorshe cusub oo lagu adkeynayo amaanka Muqdisho.

Awaamiirta cusub ee uu soosaaray taliyaha qeybta Booliska gobalka Banaadir ayaa waxaa ka mida in magaalada aan lagu arki karin gaari aan laheyn Taariko,in gaari kastaa lagu baaro baraha koontoroolada ee ciidamadu ay ku suganyihiin.

Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in cid kasta oo u hogaansami weydo amarka ciidamada sugaya nabadgelyada magaalada la horgeyn doono Cadaaladda waxaana auu sheegay in cid kasta uu qabanaayo awaamiirta ay soosareen.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Taliyaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media