Qaar ka mid ah Xubnaha Guddiga doorashada Koonfur Galbeed,kana mid ah Xildhibaanada Maamulkaas ayaa waxa y goordhow ku dhawaaqeen inay iska casileen Xubinimadii guddiga doorashada.
Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magalada Baydhbo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay ku sheegeen in sababaha ay isku casileen ay tahay faragelin ay kala kulmeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in,iyaga oo ah Xubnaha Guddiga doorashada ay cabasho u soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharixiinta,isla markaana badi Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay soo aadeen Magalada Baydhabo.
Goordhow la socda Shirka Jaraa’id ee Xubanaha.