Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahaad Mohamed Ciise.
Is casilaadaas ayaa daba socota kadib markii isla Caawa uu ku dhawaaqay in uu is casilay guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Carfo Ibraahim Aadan.
Sidoo kale Warar soo baxaya ayaa wax ay sheegayaan in uu is casilay Xubin ka mid ah Guddiga doorashada oo lagu Magacaabo Xildhibaan Xasan Black  oo ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Wax ka yar laba todobaad ayaa ka dhiman doorashada Madaxweyaha Koonfur Galbeed,waxana durba is casilay Guddoomiyihii iyo ku xigeenkii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.