Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa ku dhawaaqay in ay ay casileen Guddoomihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed,ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.
Guodoomiyaha oo lagu Magacaabo Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan ayaa shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Baydhabo waxa uu ku sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa is casilay Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahaad Mohamed Ciise,iyo Xubno ka tirsanaa Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Xubnahan is casilay oo tiro ahaan gaaraya 15 ayaa waxa ay ku sheegeen in dowladda federaalka faragelin toos ah ku heyso doorashada Koonfur Galbeed taasina ay sabab u noqotay is casilaadooda.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Guddiga.