Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho ee xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed ayaa goordhow Warbaahinta la hadlay aqbalayna xilka qaadistii lagu sameeyay.
Goordhow ayuu Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay,waxa uuna sheegay in waxyaabihii ay isku khilaafeen Madaxda sare ay ka mid aheyd arrinta shirka Nabadeynta Muqdisho iyo amniga Caasimadda.
Waxa uu codsaday in xayiraada lag qaado Xarunta Gobolka Banaadir oo aan Maanta Shaqeyn kadib markii laxiray,waxa uuna ugu baaqay Shacabka in ay isdejiyaan maadaama uu aqbalay in uu xilka wareejinayo.
Ugu dambeyn shirkiisa Jaraa’id ayaa wax auu ku sheegay in uu yahay mid jecel nabada,islamarkaana uu dhawaan Magacaabi doono Gudi ka Shaqeeya Xaflada xil warejinta Gudoomiyaha Cusub.
Hoos Ka Shirka Jaraa’id ee  Taabit kana Akhriso Wareegto uu soo saaray.