Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka Madasha Mucaaradka oo uu horkacayo madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee dhexmara labada dhinac.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray afar qodob oo xasaasi ah oo khuseeya mustaqbalka siyaasadeed iyo midnimada dalka. Qodobadaasi ayaa kala ah:
-
Wax-ka-beddelka Dastuurka – Madaxweynaha ayaa oggolaaday in laga wadahadlo isbeddelada Dastuuriga ah si loo gaaro xal waara.
-
Hannaanka Doorashooyinka – Dhinacyadu waxay raadinayaan hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, kuna saleysan wadatashi qaran.
-
Adkeynta Midnimada Dalka – Waxaa la isla qiray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-duubnida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
-
Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada – Dood gaar ah ayaa lagu yeeshay xoojinta amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.
Kulankan oo ay hareeyeen dooddo adag, ayaa la filayaa inuu ka dhasho warmurtiyeed rasmi ah oo ay labada dhinac ku caddeeyaan wixii ay isla meel dhigeen. Dadweynaha iyo daneeyeyaasha siyaasadda ayaa si weyn indhaha ugu haya natiijada ka soo bixi doonta shirka, iyadoo la rajeynayo in ay horseed u noqoto xasillooni siyaasadeed iyo horumar.