DEG DEG:- Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo iscasilay.

Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii maamulka Galmudug ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug.

54 Xildhabaan ayaa 10-kii bishii janaayo ee sandkan xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug kadib mooshin ay xildhibaanadu kagudbiyeen madaxweyne Guleed waxaana indhawaanahan maamulka Galmudug kajira isqabqabsi maamulka dhaxdiisa ah iyadoo xildhibaanada iyo madaxweynaha ay isku khilaafsanaayeen arinta xilka qaadista oo uu ka horyimid C/kariin Xuseen Guuleed.

Goordhweyd maanta oo axad ah waxaa uu sheegay madaxweynaha Galmudg inuu iskacasilay xilka madaxweynaha Galmudug sababo uu ku sheegay xaalado Caafimaad waxaana arintaasi ay ka dhigeysaa mid soo gabagabeysa isqabqabsigii maamulka iyadoo xildhibaanadu ay diyaarinayeen maalmahan danbe doorasho madaxweynihii badali lahaa C/kariin Xuseen Guleed.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Warqada Iscasilaada madaxweyne Guuleed.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media