(DHAGEEYSO):-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle “Khilaafka ka Jira Maamulka Waxaan Ku Xalin Doonaa Dastuurka Hirshabeelle.

Iyadoo maanta gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cismaan Barre uu gaaray maagaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas islamarkaana goordhweyd warbaahinta kula hadlay Garoonka magaalada Jowhar ayaa sheegay in Khilaafka ka jira Hirshabeelle lagu xalin doono si waafaqsan Dastuurka uyaala maamulka.

Gudoomiyaha oo ku sugnaa indhawaanahan muqdisho ayaa ku laaabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka xili mudooyinkan xildhaanadu ay wadeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Cosoble oo ay waxqabad la’aan iyo ku takrifal awood ku eedeeyeen mudnayaal katirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Sheikh Cismaan Barre waxaa uu ka dabaday xubnaha baarlamaanka inay dajiyaan xaalada islamarkaana arinta lagu xalin doono waxa uu qabo Dastuurka maamulka.

Xildhibaano katirsan baarlamaan goboleedka Hirshabeelle ayaa wada mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble waxaana mooshinkaaasi Saxiixay In ka badan 50 mudane oo dhaliilay waxqabadka maamulka iyo sida ay wax usocdaan.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media