DEG DEG:-Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha degmadaas Goordhow lagu dilay Nin Shacab ahaa.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas,isla markaana ay fuliyeen kooxo hubeysnaa Bastoolado,iyadoo goobta uu falka ka dhacay ka baxsady.’

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Ninka la dilay,xiligaas oo ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Degmada,hayeeshee lagu furay rasaas xoogan,kaasi oo ugu dambeyn goobta uu ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Degmada Kaaraan ayaa tegtay halka uu falkan ka dhacay,iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

Meydka Ninka la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo xiligaas ka Agdhawaa.

Comments
Loading...