ganacsadaha caanka ah ee soomaaliyeed xaajiabuukar cumar caddaan ayaa shegay in dalka iyo dadkuba ay kusoojireen been lagusoo maamulayay ilaa 1960kii loona baahan yahay xiligan in beentaas laga gudbo oo lahelo maamul cadaalad ah oo runta iyo kitaabka alle kudhaqa
xaajiga oo mudo kabadan 10 sanadood aan warbaahinta lahadlin ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay RADIO DALSAN waxaa ku faah faahiyay marxaladihii kala duwanaa ee soomaaliya eysoomartay isbadaladii dhacay ilaa 1960 kii markii soomaaliya ay gobanimadeeda kaqaadatay gumeystayaashii reer yurub
mar uu kahadlay dhinaca cadaalada waxaa uu carabka ku adkeeyay hadii aan lahelin xukun diinta islaamka waafaqsan soomaaliya in aan waxba u hagaageynin qofkii kitaabka allaah kor uqaadana rabi uu kor uqaadayo dadkuna uu baari unoqonayo
xaaji abuukar cumar cadaan waxaa kaloo uu sheegay in soomaalidu ay dabeecad kadhigatay iney wax kasheegaan hadba qofka madaxda ah uuna kabaqayo madaxweyne xasan sheekh oo dadka qaar ay dhaliilaan ama ay wax kasheegaan in madaxweynaha kadambeeya uu uunoqon karo mid kahoos ah.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.