Ergey Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Dal Carbeed oo Is Casilay

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya ayaa xilkaasi iska casilaya sababa u ku tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay dhibaato ku keeneyso in dalkan waqooyiga Afrika ku yaala uu nebadgelyo ku soo dabbaalo.

Ghassan Salame, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay “xaaladdayda caafimaad ima suura gelinayso in aan xamilo welwel intan la eg”.

Wadahadalada u dhexeya dowladda ay dabada ka riixayso Qaramada midoobay ee ka howlgasha casimada Tripoli, iyo ciddamada daacada u ah jeneraal Khalifa Haftar ayaa burburay heshiis ay horay u gaaren.

Libya waxaa ragaadiyay colaado tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011 ee xididdada loogu siibay ninkii adkaa ee Muammar Gaddaf

Isbuucii aynu soo dhafnay Mr salame ayaa ergada Dowladda iyo ciddamada uu hogaaminayo Jeneraal Haftar isugu keenay Geneva, si ay u yeeshan wadahadalo nabadda, balse labada dhinac ayaa dib u dhigay ka qayb qadashadada wadahadaladaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media