Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray Afar ruux oo Soomaali ah oo ka yimid dalka Tayaaniga oo kamid ah dalalka uu sameeynta xoogan ku yeeshay Cudurka halista ee Coronavirus.
Afarta ruux ee Soomaalida ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Askar sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxaana ay la socdeen diyaarad Ethiopian Airlines, taasi oo kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkaas lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda, isla markaana la karantiilayo ilaa iyo inta laga baarayo xaaladood Caafimaad, maadaama ay ka yimaadeen dalka Talyaaniga.
Cudurka Coronavirus oo marka hore ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa kusii faafay dalal badan oo Caalamka ku yaalla, waxaana Cudurkaas u geeriyooday in ka badan 5,000 oo ruux, halka kumanaan kalena uu soo ritay.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ayaa shalay sheegtay in qofkii ugu horreeyay ee qaba Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho, kaasi oo kamid ahaa dad ka yimid dalka dibadiisa, iyadoona dowladda karantiishay.