Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Dekadda Boosaaso ay xiran tahay muddo Bil ah, isla markaana la joojiyay doomihii Kalluumeysiga iyo maraakiibta kusoo xiran jirtay Dekadda, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadlay maamulka Puntland.
Wasiirada Kalluumeysiga, Ganacsiga iyo kan Dekaddaha Puntland oo si wadajir Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Garoowe ayaa waxaa ay been abuur ku tilmaameen wararka sheegaya in Dekadda Boosaaso ay xiran tahay muddo Bil, iyagoona xusay in Dekadda ay furan tahay.
Waxaa ay sheegeen Wasiirada in aysan jirin Dakad xiran iyo in la joojiyay Doomihii iyo Maraakiibta ee kusoo xiran jirtay Dekadda Boosaaso, isla markaana uu si toos ah u socdo ganacsiga ka jiray Dekadda oo aan wax isbedel ah ku imaan.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayardka badda Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in doomaha ay Puntland mamuucday ay yihiin kuwii Kalluumeysiga ahaa ee ka imaan jiray dalalka shisheeye, isla markaana loo joojiyay sababo la xiriira ka hortega Cudurka Coronavirus.
Ugu dambeyntii Wasiirada Kalluumeysiga, Ganacsiga iyo Dekaddaha Puntland ayaa dadka uga digay inay faafiyaan warar been abuur ah oo aan jirin, waxaana Buslahda Soomaaliyeed ay u cadeeyeen inay furan tahay Dekadda Magaalada Boosaaso.