Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dilka Taliyihii Sirdoonka Laascaanood

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Dil xalay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood Cabdiqani Guhaad Xasan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u diray Qoyskii iyo Asxaabtii ee uu ka baxay Taliye Cabdiqani Guhaad oo kooxo hubeysan ay ku toogteen afaafka hore ee gurigiisa xili uu sii galayay.

Isaga oo sii hadlaayay Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ragii dilay Taliye Guhaad ay yihiin Cadow kusoo maqan Somaliland, hayeeshee waxaa uu xusay in Somaliland ay u diyaar garoowi doonto sidii ay uga hortegi laheyd waa sida uu hadalka u dhigay.

Laamaha kala duwan ee amniga Somaliland ayuu faray Madaxweyne Muuse Biixi inay ka hortegaan falalka amnig darro ee xiliyada qaar ka dhaca deegaanada maamulkaas.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa ka hadlay Qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka dhacay Magaalada Laascaanood, wuxuuna xusay inay gacanta kusii dhigi doonaan dadii arrintaas ka dambeeyay.

Si kastaba warar la helayo ayaa sheegaya in Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood Cabdiqani Guhaad Xasan uu gacanta ku haayay Kiiska qaraxii lagu dilay Guddomiye Xasan Sheekh Maxamuud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media