Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa la sheegay inay tobanaan jeer duqeeyeen goobo lagu tuhunsan yahay inay Alqaacida ku leeyihiin Koonfurta dalkaasi.
Duqeymahaasi waxaa lala beegsaday Tuulladda Waadi Yashbum ee Gobalak Shabwa, waxayna Dadka Deegaanka u sheegeen Wakaalladda Wararka REUTERS in qaar ka mid ah Duqeymahaasi ku habsadeen guryo ay dad rayid deganaayeen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah
Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegtay in la duqeeyey Taliyaha Alqaacida ee Deegaankaasi, Sacad Catiif, iyadoo Saraakiisha Ammaanka sheegeen in 8 Dagaalyahan lagu dilay duqeymahaasi.
Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay in ka badan 20 duqeyn ka geysteen Goballadda Shabwa, Abyan iyo Al-bayda.
Hawlgalladdan cusub ayaa yimid hal bil kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ay biushii January 29-dii duqeeyeen Gobalka Al-bayda, iyadoo la sheegay in lagu dilay 16 qof oo rayid ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Alqaacida.
©Radio Dalsan