Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo 3 maalmood booqasho hawleed ku joogay magaalladda Beled-weyne ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaatay Kulankii ay la yeesheen Reer Hiiraan.
” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay Beelahii walaalaha ee uu khilaafka ku dhex maray Beledweyn” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu u mahad celiyey Odayaasha Dhaqanka ee Dowladda Federaalka ah gacanta ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhex maray Beledweyn.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu u mahad-celiyey Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan u sameeyey , isla markaana la wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.
©Radio Dalsan