Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabiulsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Julien Navier ayaa sheegay inay celcelis ahaan ku-dhawaad 2,000 00 Qaxooti isbuuciiba dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo.
Bishii February 15-dii, Tiradda Qaxootiga ku sugan Xeradaasi waxaa la soo weriyey inay dhamaayeen 265,034 oo qof, halka ay bishii December ka ahaayeen 10,000 oo Qaxooti.
Xeradda Dhadhaab waxay Hoy u ahayd in ka badan 500,000 oo Somali oo ka soo cararay colaadaha iyo macluusha ka jirtay Somalia.
Afhayeenka Hay’ada QM ugu qaabiulsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Julien Navier waxa uu tilmaamay in lixdii isbuuc ee ugu horreysay sannadkan ay 50,000 oo Qaxooti ah dib ugu laabteen Somalia.
“Waxaan hiigsanaynaa inaan yareyno Tirada Dadka ku nool Xerada Dhadhaab” ayuu yiri Afhayeenka UNHCR.
QM ayaa soo bandhigtay Barnaamij ay dadka Qaxootiga iskooda ugu laabanayaan dalkooda hooyo ee Somalia, kuwaasi oo Dhaqaale iyo Loojistik lagu taageero,
Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay Xerada Dhadhaab xiri doonaan bisha May ee sannadkan, balse, Maxkamadad Sare ee dalkaasi ayaa joojisay xukunkaasi.
Dowladda Kenya waxay ku doodaa inay sababo dhinaca Ammaanka u xirayaan Xeradaasi, iyagoo ku eedeeyey Qaxootiga inay gabaad siiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee weeraradda ka geysta gudaha dalkaasi.
Hay’adaha Samafalka Caalamiga ayaa beeniyey Eedeymahaasi, ugu baaqay Dowladda Kenya inay dhowraan Sharuucda Caalamiga ee Badbaadinta Qaxootiga.
©Radio Dalsan