Malta: Eedeysanayaal Soomali oo lagu qabtay Xashiish.

Wargeyska Independent ee ka soo baxa Jesiiradda Malta ayaa maanta qoray inay Boliska gacanta ku dhigeen 5 Dhllinyaro Somali oo da’doodu u dhexeyso 20-jir ilaa 31-jir, kuwaasi oo lagu soo qabtay  Mandooriyaha Xashiishka iyo Daroogadda Cocaine.

Eedeysanayaasha oo aan magacyadooda la shaacinin ayaa la sheegay inay deggan yihiin Degmooyinka Hal Far iyo Marsa, balse lagu soo qabtay Hawlgal ka dhacay magaalladda aadka loo deggan yahay ee Paceville.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Eedeysanayaasha lagu soo qabtay Xashiish iyo Xirmooyin ka kooban budo cad oo la tuhunsan yahay inay tahay Daroogadda Khatarta ee Cocaine.

Hawlgalka Eedeysanayaasha lagu soo qabtay oo shalay galab dhacay ayaa waxaa fuliyey Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka Droogadda, kuwaasi oo soo saaray Daroogooyn kale oo lagu qariyey isla goobta lagu soo xiray shanta nin ee Soomalida ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media