Doontaan ayaa dabka waxa uu ku qabsaday Dekada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari puntland,waxana la sheegay in ay saaran tahay Shixnad Ganacsi.
Doontaan ayaa sida Wararku nagu soo gaarayaan weli gubaneysa,iyada oo uurada dabka ka kacay laga dareemay Magaalada Boosaaso,waxana ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Dekada Boosaaso ayaa waxaa haatan ku sii qulqulaya Masuuliyiinta Magaalada iyo Shacab farabadan kuwaas oo iskudayaya in ay badbaadiyaan Hantida saaran laakin intooda badan ay gubteyn.
Weli sidoo kale lama helin cidda ay doontaan u raran tahay,waxana tani ay ku soo aadeysaa xili 5,bishii Februry ee Sanadkaan ay dooni ku soo caarisay Dekada Magaalada Boosaaso,taas oo badabadinta Hantidii saarneyd ay qaadatay mudo todobaad ka badan.
Hoos ka Daawo Sawirrada Doonta ku gubaneysa Dekada Magaalada Boosaaso.