Ergayga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Afganistan, Zalmaay Khaliilzaad ayaa u ambabaxay Caasimadda dalka Qatar ee Doha, si uu uga qeyb galo Wada-hadalka Nabadda ee dalkaasi.
Hadal k soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka ugu baaqayso Kooxda Daalibaan inay joojiyaan gulufka colaadeed ee ay ka wadaan Afganistaan.
Zalmaay Khaliilzaad oo asal ahaan Afgaanistan u dhashay waxa la filayaa inuu Wada-hadalo la yeesho Ergo ka socota Xafiiska Siyaasadda ee Dalibaan u joogta magaalladda Doha, si looga arrinsado Xabbad-joojin iyo Xal-u-raadinta Nabadda dalkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka rasmiga ee Kooxda Daalibaan, Zabiullah Mujaahid waxa uu gaashaanka ku dhuftay Hindise ay Dowladda Maraykanka ku doonayso in Dowlad Ku-meel-gaar ah oo ay Daalibaan qeyb ka tahay looga dhiso dalka Afghanistaan.
“Ma oggolaan doono Dowlad Ku-meel-gaar ah, Codsigeena waa Xalka Asaasiga, waana waajib in la helo. Dhismaha Dowlad KMG ma aha Qorshaheena” ayuu yiri Afhayeenka Daalibaan oo Waraysi siiyey Warbaahinta Sputnik ee Raashiya.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Daalibaan maanta qabsadeen caasimad-gobaleedkii 6-aad ee Afganistaan.